Israa’iil oo sheegtay inuu aad u dhow yahay heshiis lagu siidaynaya maxaabiista

0
233

Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa qoysas ay dadkoodu u xiran yihiin ururka Xamaas u sheegay in hadda aad loogu dhow yahay heshiis lagu soo siidaynaya maxaabiista marka loo eego xilliyadii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay wararku sheegayaan in qorshihii xabbad joojinta iyo siidaynta maxaabiista ee ay Xamaas la wadaagtay dhexdhexaadiyaasha Qatar iyo Masar in loo bandhigay Israa’iil.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshuhu uu yahay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’il Benyamin Netanyahu uu galinka dambe ee maanta guddoomiyo shirka golaha wasiirrada si arrintan looga wada hadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here