Ururka KNUT oo ku baaqay in dowladda ay xalliso tabashooyinka dibadbaxayaasha

0
246

Ururka qaran ee macallimiinta ee (KNUT) laantiisa ismaamulka Kisumu ayaa dowladda ka dalbaday in ay dardargeliso xallinta tabashooyinka dhallinyarada weli sameynaya mudaaharaadyada.
Xoghayaha Fulinta ee KNUT ee Kisumu David Obuon ayaa sheegay in ardayda iyo macallimiinta dugsiyada dowladad ee magaalooyinka waawayn ay intooda badan adeegsadaan gaadiidka dadweynaha sidaasi awgeedna haddii ay dibadbaxyada sii socdaan la carqaladeynaya howlaha waxbarashada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ardayda ay caqabad kala kulmi doonaan in ay dugsiyada tagaan.
Ururkan ayaa dhanka kale dowladda ugu baaqay in ay soo saarto lacagaha loogu talagalay dugsiyada si howlaha tacliinta ay si habsami leh ugu socdaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here