Senatarkii hore ee Machakos oo ku taliyay in aan miisaaniyadda laga dhimin waaxyaha muhiimka ah

0
209

Johnstone Muthama oo xisbiga talada waddanka haya ee UDA ku matalo guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ayaa soo jeediyay in iyadoo ay dowladdu dhimaysa miisaaniyadeeda in aan la taaban dhaqaalaha waaxyaha muhiimka ah sida garsoorka, caafimaadka iyo tacliinta.
Muthama, oo horay u soo noqday senatarkii ismaamulka Machakos ayaa sheegay in dib loo dhigi karo dhisidda waddooyinka iyo biyo xireennada balse aan la carqaladeyn karin tacliinta carruurta , helidda adeegyada cadaaladda iyo badqabka rayidka.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu hakiyay shaqaaleysiinta xaakinno ka howlgalaya maxkamadda racfaanka ee waddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here