DHAGEYSO:Booliiska oo kala eryay dad maanta isugu soo baxay Nairobi

0
332

Ciidamada booliiska ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaal isugu yimid bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Mid ka mid ah dhallinyarada maanta ka qayb qaatay dibadbaxyada Nairobi ayaa sheegay in aynan dagaal doonayn balse ay dowladda ka dalbanayaan in ay wax ka qabato caqabadaha da’yarta haysta.

Sidoo kale waxay mudaaharaadyada ka dhaceen ismaamullada Mombasa, Nakuru , Kisumu, Kisii iyo Migori .
Dhallinyarada oo wacad ku maray in ay dibadbaxyada sameyn doonaan maalmaha Talaadada iyo Khamiista ayaa waddooyinka ku gooyay dhagaxaan halka ay taayarro ku gubeen.
Ismaamulka Kisii waxaa la arkayay dibadbaxayaasha oo sita boorar iyagoo ku dhawaaqaya in madaxweyne William Ruto uu xafiiska banneeyo.
Qaar ka mid ah dhallinyarada maanta isugu soo baxay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.
Waxay madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilayaan inuunan oofin waxyaabihii uu ballanqaaday.

Sidoo kale ganacsatada ismaamulka Nyeri ayaa walaac ka muujinaya in ay ganacsigooda saameyn ka soo gaarto mudaaharaadyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Mid ka mid ah ganacsatada Nyeri ayaa warbaahinta uga warrantay walaaca ay qabaan waxayna intaasi ku dartay in lagu soo wargeliyay in canugeeda uunan maanta iska xaadirin dugsiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here