DHAGEYSO:Xildhibaanka Bariga Samburu oo bogaadiyay wada hadallada uu madaxweynaha la yeelanaya da’yarta

0
207

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Bariga ismaamulka Samburu Jackson Lekumontare ayaa soo dhaweeyay ballanqaadkii madaxweynaha dalka William Ruto ee ahaa inuu dhallinyarada kala hadli doono tabashooyinkooda.
Waxaa uu da’yarta ku boorriyay in ay madaxweynaha fursad siiyaan oo ay la wadaagaan waxyaabaha ay doonayaan in maamulkiisa uu xalliyo.
Sido kale , xildhibaanka ayaa xusay in qof waliba oo kenyaan ah uu xaq u leeyahay inuu dibadbax sameeyo haddii uunan ku xadgudbayn xeerarka dastuuriga ah.
Waxaa uu dhallinyarada kula taliyay in ay ka waantoobaan adeegsiga rabshadaha isagoo ciidamada ammaanka ku dhaliilay in ay awood xad-dhaaf ah isticmaaleen markii ay ka falcelinayeen mudaaharaadyada.
Jackson ayaa sheegay in ay jiraan dambiilayaal iska dhigaya dibadbaxayaal kuwaasoo boob u gaysanaya hantida shacabka.
Xildhibaanka Bariga Samburu ayaa dowladda ugu baaqay in ay adeegsato laamaheeda kala duwan si loo aqoonsado shakhsiyaadkan oo tallaabo sharciyeed looga qaado.

Dhanka kale, dhallinyarada ismaamulka Samburu ayaa sheegay in ay u riyaaqeen in madaxweynaha uu diyaar u yahay xallinta tabashooyinka da’yarta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here