DHAGEYSO:64 sano ka dib halkee maanta joogta Soomaaliya?

0
296

64 sano ka dib, waxay maanta ku beegan tahay markii ay xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waana maalmo ku wayn ummadda Soomaaliyeed.
Dabaal-degyo iyo fantasiyo lagu xusayo maalintan qaran ee 1-da Luulyo ayaa maanta ka socda wadanka Soomaaliya, taas oo ay ka qayb qaadanayaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Haddaba 64 sano ka dib, halkee joogta Soomaaliya?
Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in 64 sano ka dib aysan weli xor ahayn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Laftagareen ayaa sheegay in weli Soomaaliya uu haysto cadow la mid ah gumeystihii xornimada laga qaatay sanadkii 1960-kii.
Waxaa uu intaasi ku daray in dalalka dariska ah iyo kuwa Afrika uu soo maray gumeysi, balse ka dib ay ka faa’iideysteen islamarkaana ay dhisteen dowlado sal adag, nidaam iyo sharci.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here