DHAGEYSO:Itoobiya iyo Soomaaliya oo aan wax heshiis ah ku gaarin shirka uga furmay magaalada Ankara

0
124

Wajigii koowaad ee wada hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo aysan jirin qodobbo heshiis looga gaaray khilaafka labada dal ee arrimaha badda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Taye Aske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmad Macallin Fiqi, ayaa isku afgartay in ay mar kale ku  kulmaan magaalada Ankara, si ay u yeeshaan wajiga labaad ee wadahadallo dhexdhexaadin ah oo uu Turkiga garwadeen ka yahay.
Xogo laga helay shirka ayaa sheegaya, in Itoobiya ay diiday soo jeedinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay joojiso heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.
“Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay ku kulmaan Ankara si ay u yeeshaan wareegga labaad ee wadahadalka 2-da bisha Sagaalad ee sanadkan”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay ka dib wareeggii 1-aad ee wada hadallada oo shalay ka dhacay Ankara.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa lagu yiri “Wasiirrada Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna muujiyeen sida ay uga mahadcelinayaan fududeynta Turkiga iyo sidoo kale wax qabadkeeda wax ku oolka ah.”
Sidoo kale, waxay iftiimisay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan wada hadallada socda, si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka.
Xiisadda labada dal ayaa ka billaabatay markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay horraantii bishii koowaad ee sanadkan, heshiis is-afgarad ah kaas oo la og yahay in ay Itoobiya ka heli doonto dhul xeebeed 20 kiiloomitir ah, halka Itoobiya ay aqoonsi siinayso maamulka Somaliland.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Itoobiya ay iyada ka codsatay dowladda Turkiga inay la heshiisiiso Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here