DHAGEYSO:Somaliland oo ka hadashay dekado ay sheegeen in dowladda Soomaaliya siinayso Itoobiya

0
157

Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay qorsheenaysa in dekado qaybo ka mid ah Soomaaliya ku yaalla ay siiso dowladda Itoobiya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ayaa sheegay in arrimaha siyaasadda ee la isku haya marka laga soo tago in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doonaya in qaybo ka mid ah dekadaha ku yaalla Soomaaliya sida Hobyo uu doonaya in Itoobiya uu ka kireeyo, taa beddelkeedana uu Somaliland u diidan yahay in dekadeeda ay ka ijaarto dowladda Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in been abuur tahay in dowladdu ay dooneyso inay dekado ka iibiso ama ka ijaarto Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here