Madaxweynaha dalka oo difaacay waxqabadka booliiska

0
339

Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay fiidkii wareysi wadajir ah siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay inta karaankooda ah si wanaagsan uga falceliyeen dibadbaxyadii dalka ka dhacay.
Waxaa uu sheegay in ay qasab tahay in sarkaal kasta oo waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan xeerarka dalka.
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in si la mid ah shacabka gaysta falal dambiyeedyada in lala xisaabtami doono askarta sameeya wax uunan dastuurka u fasixin.
William Ruto ayaa xusay inuu ka dhabeynaya ballanqaadkii ahaa in dalka aynan ka dhici doonin dilal sharci darro ah.
Sidoo kale waxaa uu dhaliil u jeediyay guddiga qaran ee arrimaha xuquuqul aadanaha ee KNCHR oo uu ku eedeeyay inuu ka been sheegay dilal la soo tabiyay in ay ka dhaceen xaafadda Githurai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here