Israa’iil oo 8 qof ku xirtay Daanta Galbeed

0
412

Ciidamada Israa’iil ayaa Daanta Galbeed ee la haysta ee dalka Falastiin ku xiray 8 qof.
Waxaa dadkan ka mid ah afar ruux oo walaalo ah.
Tani ayaa timid ka dib howlgallo dhowr ah oo xalay laga fuliyay magaalooyinka Tulkarm, Hebron iyo Nablus oo ka tirsan Daanta Galbeed.
Waxaa sidan ku warramaysa wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here