Ugu yaraan 18 qof oo lagu dilay Nigeria

0
275

In ka badan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen iyadoo dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib markii haween looga shakiyay in ay isa soo miidaamiyeen ay qaraxyo is-xig xigay ku bartilmaameedsadeen xaflad aroos ah.
Dhacooyinkan ayaa la soo tabiyay in ay sidoo kale saameeyeen isbitaal iyo munaasabad aas ah oo ka socotay gobolka ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka Nigeria ee Borno .
Afhayeenka booliiska ee gobolkaasi Nahum Kenneth Daso ayaa maanta sheegay in ilaa saddex qarax ay ka dhaceen magaalada Gwoza, ee ku taalla xadka Nigeria iyo Cameroon.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah qaraxyada ay fulisay haweeney canug yar xambaarsanayd oo adeegsatay miinada IED-da oo ay ku bartilmaameedsatay goob baabuurta lagu baakimo oo ay dad badan ku sugnaayeen.
Dadka qaraxa ku dhintay ayaa isugu jiray rag, carruur iyo haween ay qaarkood uur leeyihiin.
Ugu yaraan 19 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka magaalada ugu wayn gobolka Borno ee Nigeria ee Maiduguri, halka 23 qof oo kale lagu wado in la soo daadgureeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here