Fallaagada Colombia oo oggolaatay heshiis xabbad joojin ah

0
153

Kooxda lagu tilmaamo fallaagada ee Segunda Marquetalia ee dalka Colombia ayaa aqbashay kuna dhawaaqday xabbad joojin.
Waxay sidoo kale shaacisay in ay siidayn doonto maxaabiista u xiran.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu guulaystay wada xaajoodyo kooxdan kala dhexeeyay dowladda dalka Colombia.
Heshiiska xabbad joojinta ayaa lagu gaaray wareegii saddexaad ee wada hadallada nabadeed ee uu billaabay madaxweynaha waddankaasi Gustavo Petro.
Maamulkiisa ayaa caqabado badan kala kulmay inuu dejiyo khilaaf ugu yaraan 60 sano ka dhexeeya kooxo hubeysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here