Hay’adda Save the Children oo shaacisay tirada carruurta la la’yahay ee Qaza

0
223

Hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children ayaa sheegtay in tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Israa’iil ay ka waddo Qaza in aan meel lagu ogeyn 21,000 oo carruur ah.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay dhow dahay in la soo afjaro duullaanka Qaza.
Waxaa uu ku adkeysanaya in dagaalka uu sii socon doono xita haddii heshiis xabbad joojin ah lala galo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Ururka Xamaas ayaa dhaliilay hadalka ka soo yeeray Netanyahu.
Waxay sheegtay in tani ay muujinaysa in uunan diyaar u ahayn soo jeedintii xabbad joojinta ee madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee 31-dii bishii hore ee Shanaad ee May.
Dhanka kale ,waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay magaalada Qaza ku dishay madaxii gaadiidka degdegga ee Ambulance iyo xaaladaha degdegga ee Qaza Hani al-Jaafarawi.
Labo canug oo dheeraad ah ayaa isbitaalka Kamal Adwan ee Waqooyiga Qaza ugu geeriyooday nafaqo darro.
Tani ayaa tirada guud ee carruurta ilaa iyo hadda u geeriyooday nafaqo darro ka dhigaysa 31.
Tan iyo 7-dii bishii tobnaad ee sanadkii 2023-kii ugu yaraan 37,626 qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 86,098 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here