DHAGEYSO:Soomaaliya oo 50 sano ka dib ku guulaysatay inay ka mid noqoto golaha ammaanka

0
170

Soomaaliya ayaa loo doortay in ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano oo ka billaabanaysa 2025 ilaa 2026-ka.
Waa markii ugu horreysay muddo 52 sano ah ka dib ay Soomaaliya ku guulaysato inay kursi aan joogto ahayn ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa Soomaaliya lagu doortay codeyn qarsoodi ah oo ka dhacday fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyadoo heshay 179 cod.
Soomaaliya ayaa ahayd musharraxa kaliya ee ka socday waddamada Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmad Macallin Fiqi oo ka hadlayay guusha ay Soomaaliya gaartay ayaa sheegay, in ay Soomaaliya ka miro dhalisay dadaalkeeda diblumaasiyadeed, iyo sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay uga go’an tahay nabadda caalamka.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay tallaabadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here