Dhuusamareeb oo lagu toogtay rag horay u dilay dhakhtar iyo macallin dugsi Qur’aan oo walaalo ahaa

0
112

Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay inay ka dambeeyeen dil horay loogu gaystay Dhakhtar iyo Macallin Dugsi Qur’aan oo walaalo ahaa.
Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaaba Nuur Cabdi Maxamad, Shuceyb Maxamad Faarax iyo Bile Cabdullahi Xasan.
Raggan ayaa deegaanka Ilix oo ka tirsan deegaanada hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud si bareer ah ugu dilay Axmad Xasan Cismaan oo ahaa Dhakhtar iyo Macallin Liibaan Xasan Cismaan oo labaduba walaalo ahaa.
Goobta lagu toogtay saddexda nin waxaa u soo daawasho tagay qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo ehellada labada dhinac.
Toogashada raggan lagu fuliyay waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool gobolka Galgaduud oo ka mid ah gobollada ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka salka ku haaya aanooyinka qabiilka.
Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa horay u fulisay xukunno kala duwan oo dil ah oo ay ku fulisay dad badan oo lagu helay inay gaysteen dilal bareer ahaa, waxaana toogashada inteeda badan Maxkamaddu ka fulisay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here