DHAGEYSO:Taliska booliiska Soomaaliya oo sheegay inay xireen shakhsiyeed hubeysnaa oo dhac gaysanayay

0
335

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay rag dhac u gaystay shacab Soomaaliyeed iyo shakshiyaad loo xiray dhaqan xumo iyo kicin dadweyne.
Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in rag iska dhigayay ciidamo ka tirsan dowladda oo dhac u gaysanayay shacab Soomaaliyeed la soo xiray, islamarkaana aysan ahayn rag ka tirsan ciidanka dowladda, balse dareeska ciidamada ku labisnaa.
Waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay laamaha ammaanka gancantooda ku jiraan islamarkaana cadaaladda la marsiin doona.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dad dhawaan loo xiray aflagaado ay baraha bulshada isu marinayeen.
Waxaa uu tilmaamay in dadkaasi ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe, cadaaladdana la waafajin doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here