Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Mandera Major Bashiir Cabdullahi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxaa uu uga tacsiyadeeyay dil shalay Rhamu qof loogu gaystay.
Waxaa uu sheegay in Alle ha u naxariistee halkaasi lagu dilay waayeel lagu magacaabi jiray Xaaji Rashiid Macow.
Qoraalka xildhibaanka waxaa ku cad in nin hubeysan uu dilkaasi ka dhex gaystay garoon yar oo diyaaradeed oo hore.
Waxaa uu qofka la dilay Alle uga baryay inuu u dambi daafo oo uu Jannada ku abaal mariyo isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoyskii uu ka baxay.
Sidoo kale mudanaha ayaa shacabka Rhamu ugu baaqay inay is dejiyaan oo ay saraakiisha ammaanka fursad u siiyaan in la soo qabto qofkii dilkaasi ka dambeeyay si tallaabo sharciyeed looga qaado.
Saraakiisha ammaanka ayuu ku boorriyay inay dadaalkooda mideeyaan si qoyska qofka la dilay ay cadaalad u helaan.




