Xubnaha xisbiga DAP-K ayaa hoggaamiyahooda ,Eugene Wamalwa u oggolaaday inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbigan matali doono marka la gaaro doorashada guud ee xigta ee sanadka 2027 .
Tani ayaa timid ka dib kulan ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga halkaasi oo lagu soo dhaweeyay mas’uuliyiin cusub.
Wamalwa, ayaa soo dhaweeyay taageerada uu ka helay xubnaha xisbiga uu hoggaamiyo wuxuuna ku boorriyay inay ku dadaalaan sidii loo kordhin lahaa tirada xubnaha xisbiga ka hor doorashada guud ee dambe.




