Afhayeenka Aqalka Barlamaanka, Moses Wetang’ula, ayaa beeniyay eedeymo sheegaya inuu ka helay amarro Madaxweyne William Ruto iyo ilo kale si uu u saameeyo doodaha iyo go’aamada Baarlamaanka.
Isagoo ka hadlay wareysi uu la yeeshay taleefishinka maxalliga ah ee TV47, Wetang’ula ayaa sheegay inuusan weligiis, inta uu xilka hayay, ka helin qof talo ku saabsan sida uu u maamulo howlaha Baarlamaanka ama uu u saameeyo go’aamada Xildhibaanada.
Waxaa uu ku tilmaamay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo adkeeyay in doorka afhayeenka si cad loo qeexay, islamarkaana uusan ku jirin bilaabidda ama saameynta doodaha, balse uu hubiyo nidaamka iyo u hoggaansanaanta habraaca Baarlamaanka.
Hadallada Wetang’ula ayaa kusoo beegmaya xilli ay kor u kacday dhaleeceynta ku aaddan Golaha Wakiilada oo si isa soo taraysa u ansixiyay hindisayaasha ay dowladda soo jeedisay, gaar ahaan sharciyada muranka dhalinaya ee la xiriira caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha dhaqaalaha.




