Fred Matiang’I oo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dalka

0
50

Fred Matiang’i oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee xisbiga Jubilee ayaa ku eedeeyay maamulka Kenya Kwanza in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada kooxaha liddiga ku ah amniga.
Waxaa unna sheegay in dalku uu u baahan yahay hoggaan adag oo mas’uul ka noqon kara shakhsiyaadka khaladaadka sameeya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, oo xalay ka hadlayay barnaamijka Sunday Live ee Citizen TV, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka haysta ay yihiin kuwo la yaqaan, laakiin hoggaamiyeyaashu ay ku guuldareysteen inay si go’aan leh wax uga qabtaan.
Waxaa uu intaas ku darey in ay sii socdaan dhaqdhaqaqyada jabinta sharciyeed.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka ayaa ku booriyay in wax laga qabto arrimaha amniga iyo waxbarashada.
Waxaa uuna ugu baaqay maamulka madaxweyne Ruto ineysan iska indhatirin xaaladaha dalka ka taagan.