DHEGEYSO:Beeraleyda Migori oo la siin doonaa dhir bilaash ah si ay u beertaan

0
575

In ka badan 10,000 oo beeraley ah oo deggan ismaamulka Migori ayaa ka faa’iideysan doona barnaamij lagu dhiirrigelinayo beerista geedaha, kaas oo beeraleyda la siin doono dhir ay beertaan. Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo ilaalinta deegaanka isla markaana lagu taageero dadaallada la dagaallanka isbeddelka cimilada. Beeraleyda ka qaybqaata barnaamijka ayaa waxaa la siin doonaa lacag bille ah si ay u daryeelaan geedaha la beero.