Ducaale oo sheegay inuu xilka iska casili doonin

0
601

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa beeniyay eedeymo sheegaya in Kenya ay ku weyday 11 bilyan oo loo maray khiyaanooyin ka dhacay Waaxda Caymiska Caafimaadka Bulshada (SHA), isaga oo sheegay in wasaaraddiisa ay dib u soo celisay nidaam iyo isla xisaabtan ka jira waaxda caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa mar kale wajahday eedeyn ka dib markii la shaaciyay in balaayiin shillin laga yaabo in lix bilood gudahood lagu musuqmaasuqay, loona maray qalliinno been abuur ah iyo sheegashooyin caafimaad oo shaki ku jiro, inkastoo horay loo sheegay in SHA ay xirtay dalooladii ka jiray NHIF-kii hore.
Ducaale ayaa sheegay in nidaamka SHA uu diiday sheegashooyin khiyaano ah oo gaaraya 11.6 bilyan, taas oo muujinaysa in habraacyada la dagaallanka musuqmaasuqa ay shaqeynayaan, islamarkaana lacagta aysan ka bixin nidaamka. Waxaa uu ku adkaystay in kaliya ku dhawaad 1 bilyan la bixiyay, ka dib baaritaan adag oo la sameeyay.
Isaga oo ka hadlayay sumcadda wasaaradda ee musuqmaasuqa, Ducaale ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay si loo xoojiyo caymiska caafimaadka guud, isla markaana uu diiday baaqyada is casilaadda. Waxaa uu intaa ku daray in khiyaanada caymiska caafimaadka ay tahay dhibaato caalami ah, isla markaana Kenya aysan ka gaar ahayn.