Madaxweyne Ruto oo gaaray dalka Italy

0
37

Madaxweynaha dalka William Ruto oo gaarey magaalada Rome ee dalka Taliyaaniga ayaa la filaya inuu maanta la kulmo hoggaamiyaasha waddankaas.
Inta uu ku guda jiro safarkiisa, wuxuu la yeelan doonaa wadahadallo laba geesood ah Madaxweyne Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni si loo xoojiyo xiriirka Kenya iyo Talyaaniga loona adkeeyo iskaashigooda istaraatiijiyadeed ee qaybaha muhiimka ah.
Qoraal ka soo baxay Aqalka madaxtooyada ayaa lagu xaqiijiyay in la filayo in la saxiixo Heshiisyo Is-faham oo dhowr ah iyo heshiisyo isdhaafsi ah.
Afhayeenka Aqalka madaxtooyada Xuseen Maxamed ayaa sheegay in diiradda koowaad ee booqashadu ay tahay in la dedejiyo mashaariicda biyo-xireennada Arror, Kimwarer, iyo Itare.
Mashaariicdani waa maalgashiyo muhiim ah oo ku jira tiirka waraabka ee saddexda mudnaanta qaran ee dawladdu leedahay, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in Kenya loo wareejiyo dhaqaale horumarsan.