Wakaaladda wararka ee ISNA ee Iiraan ayaa sheegtay in weerar habeenkii xalay ka dhacay magaalada Mahallat ee gobolka Markazi lagu dilay 11 qof isla markaana lagu dhaawacay 15 kale.
Wararka kale ayaa sheegaya in weerarro kale oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ay ka dhacayeen magaalooyinka Tehran iyo bartamaha Isfahan.




