Marinka Hormuz wuu xirnaan doonaa ilaa laga fuliyo shuruudaha Iran: Ku-xigeenka taliyaha IRGC

0
107

Ku-xigeenka taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), Mostafa Izadi, ayaa sheegay in Marinka Hormuz uu sii xirnaan doono ilaa la buuxiyo shuruudaha Iran ee dib loogu furayo marin-biyoodkaas.
“Shacabka Iran waa dad si wanaagsan u yaqaanna dagaalka,” ayuu Izadi Khamiistii u sheegay telefishinka dowladda ee IRIB, isaga oo intaas ku daray in “marinkan muhiimka ah uu weli xiran yahay.”
“Ciidamada qalabka sida waxay diyaar u yihiin inay si adag u difaacaan madaxbannaanida qarankan Islaamiga ah,” ayuu yiri sarkaalkan sare ee milatariga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa Arbacadii sheegay in Tehran ay weli xiriir dhow oo joogto ah la leedahay dhexdhexaadiyeyaasha, si looga wada hadlo fikradaha lagu hirgelinayo qorshaheeda toddobada maalmood ah ee dib loogu furayo Marinka Hormuz.