Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Abraham Kithure Kindiki ayaa sheegay in barnaamijka Caymiska Caafimaadka Bulshada ee SHA uusan dhici doonin balse uu sii xoogaysan doono iyadoo dowladda ay kordhinayso hufnaanta iyo tirada dadka iska diiwaangeliya. Waxaa uu beeniyay eedeeymaha mucaaradka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwa saadaalin xun ku sameynaya dalka isla markaana aan dan u lahayn shacabka.
Prof. Kindiki ayaa intaa ku daray in barnaamijka uu fududeeyay culayska caafimaad ee shacabka, isagoo xusay in caqabadaha bilowga ah la xallinayo si nidaamka uu u noqdo mid hufan oo aan khalad lahayn. Waxaa uu sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in la diiwaangeliyo 45 milyan oo Kenyaan ah ka hor bisha December ee sanadkan, halka la filaayo in 55 milyan la gaarsiiyo bisha June 2027.
Ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ayaa sidoo kale cambaareeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ku eedeeyay inaysan wax horumar ah u samayn shacabka markay xafiisyada hayeen, isla markaana hadda ay ka caroodeen guuldarradooda. Waxaa uu booqday mashaariic horumarineed oo ka socda dowlad deegaanka Embu, sida waddada xiriirisa Kanyuambora, Kamumu iyo Siakago iyo suuqyada cusub ee Karurumo, isagoo xusay in mashaariicda kale ee qiimahoodu gaarayo 12 bilyan shillinka dalka ah ay sii soconayaan.
Prof. Kindiki ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ku dagin wararka been abuurka ah ee mucaaradka, isagoo ballan qaaday inuu waqtigiisa sida madaxweyne ku xigeen uga faa’iideysto adeegga shacabka. Waxaa uu ku adkeeyay inuu diiradda saari doono horumarinta adeegyada bulshada iyo in dadka Embu ay helaan adeeg caafimaad oo dhamaystiran, isagoo ka digay in been abuur la sameeyo marka ay jiraan xaqiiqooyin cad oo horumarineed.




