Wasiirka Tamarta oo ka baaqday inuu hortago guddiga tamarta ee baaraya soo dejinta shidaal aan tayadiisu dhammaystirnayn

0
186

Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka Opiyo Wandayi ayaa ka baaqday inuu hortago guddiga tamarta ee Baarlamaanka Qaranka, kaas oo u yeeray si uu uga jawaabo eedeymo la xiriira in dalka la soo geliyay shidaal aan tayadiisu dhammaystirnayn, lagana keenay meel ka baxsan nidaamka heshiisyada dowladaha.
Wasiirka ayaa la filayay inuu hortago guddiga subaxnimadii hore ee saaka, balse ma uusan iman, taasoo ku qasabtay guddiga oo uu guddoomiye u yahay David Gikaria inay ka tashadaan tallaabada xigta. Guddiga ayaa muujiyay niyad jab, inkastoo ay sheegeen in wasiirka uu horey mar walba uga jawaabi jiray wicitaannada noocan ah.
Guddoomiyaha guddiga ayaa xusay in awoodda guddiga ay ku dhisan tahay xeer hoosaadyada Baarlamaanka, kuwaas oo siinaya awood ay ugu yeeri karaan cid kasta isla markaana ku qasbi karaan inay hor yimaadaan, iyadoo xitaa la ganaaxi karo kuwa diida. Waxaa sidoo kale la sheegay in maqnaanshaha uusan ku koobnayn wasiirka oo keliya, balse ay ka baaqdeen hay’ado kale oo muhiim ah oo lagu casuumay inay xog ka bixiyaan arrintan.
Hay’adda Dakhliga ee (KRA) ayaa ahayd hay’adda kaliya ee si rasmi ah u sheegtay inaysan kasoo qayb geli karin, inkastoo sababta ay bixisay lagu tilmaamay mid aan ku filnayn. Sidoo kale Hay’adda Heerarka ee (KEBS) oo door muhiim ah ku leh hubinta tayada shidaalka ayaa iyaduna ka baaqatay. Ugu dambeyn, guddiga ayaa go’aamiyay in mar kale fursad la siiyo wasiirka iyo dhammaan dhinacyada la casuumay si ay uga soo jawaabaan arrimaha la soo jeediyay.