Maxkamadda Sare oo Aqalka Senate-ka si ku meel gaar ah uga joojisay u yeerida barasaabyada

0
195

Guddoomiyeyaasha dowlad deegaannada dalka ayaa helay nafis ku meel gaar ah ka dib markii Maxkamadda Sare fadhigeedu yahay ismaamulka Kiambu ay soo saartay amarro xannibaad ah oo ka hor istaagaya Aqalka Senate-ka, Baarlamaanka Qaranka iyo hay’adaha amniga in ay u yeeraan, xiraan ama xabsiga dhigaan barasaabyada iyo saraakiisha ismaamullada ee la xiriira amarro muran dhaliyay.
Maxkamadda ayaa ogolaatay in barasaabyada iska indha tiraan wicitaannada Aqalka Senate-ka iyo amar kasta oo lagu xirayo, iyadoo sidoo kale joojisay tallaabo kasta oo lagu beegsanayo guddoomiyeyaasha, shaqaalaha ismaamullada ama cid kasta oo la shaqaysa, inta laga gaarayo go’aan kama dambeys ah. Dacwadda ayaa waxaa ku lug leh dhinacyo ay ka mid yihiin Aqalka Senate-ka, Baarlamaanka Qaranka, Taliyaha Guud ee Booliiska, Adeegga Qaran ee Booliiska NPS iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dejisay jadwalka dacwadda, iyadoo la faray dhinacyada ay khusayso in ay gudbiyaan jawaabahooda ka hor 14-ka bishan April, halka jawaab celinta ugu dambeysa la gudbin doono 16-ka isla bishan. Doodaha qoraalka ah ee dhinacyada taageeraya iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa la filayaa in la dhammeeyo inta u dhaxaysa 17-ka iyo 20-ka bishan April.
Arrintan ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senate-ka, Aaron Cheruiyot, uu siiyay guddoomiyeyaasha muddo 30 maalmood ah oo ay ku hor tagaan guddiyada kormeerka, isagoo uga digay in haddii ay diidaan loo gudbin doono hay’adaha la dagaallanka musuqmaasuqa sida Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) iyo Waaxda Baarista Dembiyada (DCI). Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay ka dib gacan ka hadal ka dhacay bannaanka Baarlamaanka, taasoo muujisay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya senatarrada iyo guddoomiyeyaasha ismaamullada.