Lix qof oo lagu qabtay howlgal ay fulisay KWS oo ka dhacay ismaamulka Gaarisa

0
223

Lix qof oo lagu tuhunsan yahay ugaarsi sharci darro ah oo hubeysan ayaa lagu qabtay howlgal ay fuliyeen saraakiil ka tirsan Adeegga Duurjoogta ee (KWS), ka dib weerar lagu qaaday gaari marayay waddada u dhaxaysa Gaarisa iyo Dhadhaab, gaar ahaan tuulada Alango Arba ee hoos timaada deegaanka Fafi ee ismaamulka Gaarisa.
Sida ay sheegtay Waaxda Baarista Dembiyada (DCI), howlgalka ayaa ku salaysnaa xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo la xiriira ka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta. Saraakiisha ayaa dhigay weerar gaadmo ah, iyagoo si lama filaan ah u qabtay gaari nooca Suzuki Alto ah oo ay saarnaayeen eedeysanayaasha, iyada oo aan wax iska caabin ah dhicin.
Baaritaan lagu sameeyay gaariga ayaa lagu helay ku dhawaad 200 kiilo oo hilib ah oo loo maleynayo inuu ka yimid geri, iyo madaxa xoolahaas, taasoo muujinaysa ugaarsi sii socota oo lagu beegsanayo xayawaanka la ilaaliyo. Hilibka la qabtay ayaa lagu qiyaasay inuu qiimihiisa dhan yahay 200,000 oo shillinka dalka ah. Sidoo kale, booliiska ayaa helay qori nooca AK-47 ah oo ay ku jireen 13 xabbadood iyo khasnad kale oo ay ku jireen 30 xabbadood.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha oo watay hubka ayaa xirnaa dhar ciidan, waxaa uuna sheegay inuu ka tirsan yahay Adeegga Kaydka Qaran ee Booliiska ee deegaanka Gadude, arrintaas oo hadda la baarayo. Waxaa sidoo kale laga helay toddobo taleefan oo gacanta ah, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo adeegsaday isku dubbaridka falalka sharci darrada ah.
Eedeysanayaasha ayaa loo aqoonsaday inay yihiin Cali Idow Yussuf, Fuaad Xuseen Mukhtaar, Mahat Diriye Xuseen, Xasan Jehow Diriye, Idle Farah Dhaqane iyo Xuseen Ibrahim Cabdulrahman. Booliiska ayaa tuhunsan in kooxdan ay ka mid yihiin shabakad ballaaran oo ku lug leh ugaarsiga iyo ka ganacsiga duurjoogta. Waxaa markii hore lagu hayay saldhigga booliiska ee Garissa, balse hadda loo wareejiyay Nairobi, halkaas oo la filayo in maxkamadda la horgeeyo, iyadoo hubka iyo agabka la qabtay loo diyaariyay caddeymo dacwadeed.