Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa soo bandhigay qorsheyaal cusub oo lagu adkeynayo xeerarka musharraxnimada, lagu ballaarinayo awooddiisa dacwad oogista, isla markaana wax looga beddelayo shuruudaha liisaska xisbiyada, iyadoo la eegayo diyaar garowga doorashada guud ee 2027. Qorshayaashan ayaa loo gudbiyay Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga ee Baarlamaanka.
Isbeddellada la soo jeediyay ayaa sidoo kale waxaa ay ku saabsan yihiin dib u qeexidda cidda u qalanta in lagu soo daro liisaska magacaabista, iyo kordhinta awoodda goobaha codbixinta si loo dedejiyo hannaanka doorashada. Arrimahan ayaa lagu falanqeeyay kulan ka dhacay magaalada Mombasa oo u dhexeeyay IEBC iyo guddiga baarlamaanka, waxaana diiradda lagu saaray aqoonsiga codbixiyeyaasha, gudbinta natiijooyinka, iyo qaabka lagu magacaabo xubnaha Baarlamaanka iyo goleyaasha dowlad deegaannada.
IEBC ayaa soo jeedisay in la dejiyo waqtiyo adag oo lagu meel mariyo isbeddelladan, iyadoo dooneysa in la ansixiyo ugu dambayn 31-ka bisha Agoosto ee sanadkan, si loo helo waqti ku filan oo loogu diyaar garoobo doorashada 10-ka Agoosto 2027. Sidoo kale, guddiga ayaa ku adkeystay in dhammaan wax ka beddelka sharciyada doorashada la dhammeeyo ugu dambayn bisha September ee sanadkan, si ay u suurtagasho diyaarinta tababarro iyo agabyo hagitaan.
Dhinaca dambiyada doorashada, IEBC ayaa dalbanaysaa in dib loogu soo celiyo awoodda ay si toos ah ugu dacweyn karto dembiyada la xiriira doorashooyinka, iyada oo tilmaamaysa in heerka dacwad oogista ee hadda uu hooseeyo. Waxaa kale oo ka mid ah isbeddellada muhiimka ah in qofka lagu magacaabayo gole dowlad deegaan uu noqdo codbixiye ka diiwaangashan isla dowlad deegaankaas, isla markaana shuruuddan lagu dabaqo xitaa kuraasta Baarlamaanka iyo Aqalka Sare. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay in liisaska xisbiyada ay ku bilaabmaan haweeney, kuna kala beddelmaan rag iyo dumar si loo xoojiyo matalaadda haweenka iyo hirgelinta qoondada jinsiga.
Home Wararka Kenya IEBC oo soo jeedisay adkeyn lagu sameeyo habraacyada musharraxnimada iyo isbeddel lagu...




