Wasiirka shaqaalaha oo la kulmay hoggaamiyaasha KNUT

0
328

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta ururka qaran ee macallimiinta ee (KNUT).
Waxay ka wada hadleen dhaqangelinta heshiis ku saabsanaa gorgortan dhanka mushaaraadka ah oo la soo saaray sanadkii 2021-kii.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii xoghayaha guud ee ururka KNUT Collins Oyuu uu dhawaan sheegay in barayaasha ay shaqo joojin billaabi doonaan marka dugsiyada dib loo furo haddii aynan dowladdu u hoggaansamin heshiiskii la gaaray .