Waxaa la xaqiijiyay in shan ruux ay ku geeriyoodeen shil aroornimadii hore ee maanta laga soo tabiyay waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Gilgil Jamleck Ngaruiya ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Wuxuu sheegay in ay isku dhaceen baabuur xamuul iyo gaari yar.
Taliyaha ayaa sheegay in shilka uu dhacay abaare 7-dii subaxnimo ee saaka.
Waxaa isla goobta ku dhintay haweeney iyo afar carruur ah oo ay dhashay iyadoo qof kale oo rag ah oo dhaawacmay lagu daaweynaya isbitaalka St. Joseph Hospital.
Ngaruiya ayaa gaadiidleyda ku boorriyay in ay aad u taxadaraan marka ay isticmaalayaan waddooyinka waawayn ee aadka u mashquulka badan.
Meydadka shanta qof ee shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Naivasha iyadoo baabuurtii shilka gashay loo jiiday saldhigga booliiska ee Gilgil .




