Guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka Kenya oo marti qaaday xildhibaano ka socda Soomaaliya

0
438

Guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee golaha qaran ee xeer dejinta ee (BAC) ayaa marti geliyay xildhibaano ka yimid Soomaaliya oo Kenya ku joogo booqasho shaqo kuwaasi oo gaaraya 23 xubnood.
Xubnahan ayaa ka tirsan guddiyada miisaaniyadda , maaliyadda iyo qorsheynta ee baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka Ndindi Nyoro ayaa sheegay in labada dhinac ay wadaageen aqoontooda iyo waaya aragnimadooda.
Waxay iska wareysteen shaqooyinka ay qabtaan ee dhanka qoondeynta miisaaniyadda.
Ndindi Nyoro ayaa xildhibaannada Soomaaliya ee Kenya yimid u faahfaahiyay kala duwanaanshaha waajibaadka shaqo ee baarlamaanka iyo aqalka sare.