Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad al-Shaibani, ayaa dalka Urdun kula kulmay saraakiil ka tirsan sirdoonka Israa’iil, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Suuriya.
Kulanka ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu dejinaayo xiisadda u dhexeysa Suuriya iyo Israa’iil, kadib weerar ay Israa’iil ku qaaday saldhig diyaaradeed oo ku yaalla Suuriya, meel u dhow xadka Turkiga.
Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed, ayaa sheegtay in wada-hadallada ay dhexdhexaadinaysay dowladda Mareykanka, isla markaana ay ka qaybgashay wafdi Israa’iili ah oo heer sare ah.




