Dalal ka tirsan Midowga Yurub ayaa Serbia ka caawinaya sidii loo xakamayn lahaa dab weyn oo muddo toddobaadyo ah ka holcayay Deliblatska Pescara, oo ah goob dabiici ah oo la ilaaliyo, kuna taalla meel u dhow caasimadda Belgrade.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Serbia, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kooxaha dab-damiska ee ka kala socda dalal ay ku jiraan Jamhuuriyadda Czech iyo Romania ayaa garab ka siinaya kooxaha Serbia dadaallada lagu xakameynayo dabka.
Howlgallada daminta dabka ayaa sii socday ilaa Isniintii, iyadoo kooxaha gurmadka ay isku dayayaan inay ka hortagaan inuu dabku ku fido dhulka kaydka dabiiciga ah.
Dhanka kale, warbaahinta RTS ee Serbia ayaa sheegtay in dab kale oo ka kacay dhulka buuraleyda ah ee Stolovi, oo ku yaalla koonfur-galbeed dalkaasi, la xakameeyay.
Dabkaasi ayaa lagu guuleystay in la damiyo iyadoo gacan laga helay diyaarad Ruushku leeyahay oo nooceedu yahay Ilyushin Il-76, taas oo loo adeegsaday daadinta biyo badan si loo bakhtiiyo dabka.




