Wasiir Ducaale iyo Tuya oo xilalkooda la kala wareegay

0
383

Waxaa xilalkooda si rasmi ah ula kala wareegay wasiirka arrimaha deegaanka , la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo kaymaha Aadan Barre Ducaale iyo wasiiradda gaashaandhigga Roselinda Soipan Tuya.
Ducaale ayaa markii uu wasaaradda difaaca ku wareejinayay Tuya hoosta ka xarriiqay inuu ka mahadcelinaya fursadii loo siiyay inuu qaranka ugu adeego dhanka difaaca.
Waxaa uu sidoo kale qiray dadaalkii ay Soipan Tuya gelisay xeerar waaraya oo la xiriira deegaanka.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay la tashiga daneeyayaasha kala duwan laga soo billaabo bulshooyinka maxalliga ah iyo waaxyaha gaarka ah si loo soo saaro istaraatiijiyooyinka deegaanka.
Soipan Tuya ayaa dhankeeda sheegtay in ay muhiim tahay in loo midoobo wanaajinta bilicda deegaanka si loola tacaalo caqabadaha isbeddelka cimillada.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan isku dheellitirka kobaca dhaqaale iyadoo loo maraya ilaalinta deegaanka si loo xaqiijiyo in Kenya ay hoggaanka u sii hayso dhaqamada waara.
Sidoo kale waxaa maanta xilkiisa la wareegay wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi oo beddelay Prof. Njuguna Ndung’u .