Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay dayactir ku sameynaysa 68 dugsiyo ah.
Xarumahan waxbarashada ayaa ku yaalla deegaannada Borabu, Waqooyiga Mugirango, Galbeedka Mugirango iyo Kitutu Masaba ee ismaamulka Nyamira .
Waxaa uu maanta deegaanka Waqooyiga Mugirango ka dhagax dhigay dhisidda qayb ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee Kiabonyoru .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale mashruuca xiriirinta adeegga korontada ka daahfuray tuulada Nyang’eni ee deegaanka Nyaribari Chache ee ismaamulka Kisii.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay 3.5 bilyan oo shilin u qoondeysay sidii loo dhisi lahaa waddooyin ah 61 kiilomitir.




