Murkomen oo ballan qaaday inuu taageeri doono mashaariicda ay dhallinyarada hormuudka ka yihiin

0
186

Wasiirka wasaaradda arrimaha dhallinyarada , cayaaraha iyo hal-abuurka dhaqaale Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda mashaariicda ay hoggaaminayaan da’yarta.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayuu ku tilmaamay wanaajinta nolosha dhallinyarada.
Murkomen ayaa shaaciyay inuu ka qayb qaadan doono taageeridda barnaamijyada dhallinyarada sida golaha qaran ee da’yarta ee (NYC) iyo fursadaha qaran ee lagu horumariyo dhallinyarada ee (NYOTA).
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maanta Kenya iyo daafaha kale ee dunida looga dabbaal degay maalinta caalamiga ee dhallinyarada oo ay qaramada midoobay u asteysay 12-ka bisha Siddeedaad ee August.
Wasiir Murkomen ayaa sheegay in iyadoo diiradda la saaraya wax ka qabashada arrimaha cimillada, beeraha, caafimaadka , maamulka iyo saaxadda hal-abuurka in dhallinyarada laga qayb gelin doono si loo hubiyo in ay noqdaan kuwo xog-ogaal ah, awoodsiin loo sameeyay oo diyaar u ah ka shaqeynta horumarka qaran.