Ukraine oo diyaar u ah inaysan ku biirin NATO haddii xabadjoojin la sameynaya

0
797

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in Ruushka uu la galo wada hadal horseedi karo in wadankaasi ay xabadjoojin ka dhaqangasho.
Ruushka ayaa tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan weli gudaha Ukraine ka wado howlgallo militari.
Zelenskyy ayaa xusay inaysan ka dowlad ahaan waxbo ka qabin caddeynta go’aankooda ay meesha uga saarayaan qorshaha ay ugu biiri lahaayeen gaashaanbuurta NATO haddii loo xaqiijinaya in duullaanka xukuumadda Moscow uu soo afjarmaya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qadiyadda gobollada Crimea iyo Donbas oo ay maamulaan kooxo gooni u goosad ah oo garab ka helaya dowladda Ruushka laga wada xaajoon karo keliya marka xabadjoojin lagu dhaqaaqo sidoo kalena dowladda Ukraine loo soo bandhigo damaanaqaad dhanka amniga ah.
Madaxweynaha Ukraine ayaa arrintan shaaca kaga qaaday wareysi uu siiyay telefishinnada wadankaasi.