Iiraan oo ku hanjabtay in mar kale ay xiri doonto marinka Hormuz

0
127

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed Baqer Qalibaf ayaa ka digay in Iiraan ay mar kale xiri doonto Marinka Hormuz haddii Mareykanku sii wado xayiraadda uu ku hayo dekedaha Iiraan.
“Ilaa inta xayiraaddu sii socoto, Marinka Hormuz ma sii furnaan doono,” ayuu Qalibaf ku yiri qoraal uu ku qoray bartiisa X, isagoo intaa ku daray in marista marin biyoodka istaraatiijiga ah uu ku xirnaan doono ” “oggolaanshaha Iiraan.”