Kenya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay arrimaha ammaanka

0
617

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Omamo ayaa kulan la qaadatay ergeyga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha geeska Afrika Xue Bing.
Shirka oo shalay ka dhacay magaalada Nairobi ayay labada mas’uul diiradda ku saareen sare u qaadidda amniga iyo horumarka gobolka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Omamo iyo Bing ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxay isku afgarteen in Kenya iyo Shiinaha ay ka wada shaqeeyaan sidii bulshooyinkooda ay uga dhigi lahaayeen kuwo dabar adeyg u lahaada saameynta isbeddelka cimillada.