Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Beledweyne ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaaladaasi, kuwaas oo tartankooda aad u adag yahay.
Labada kursi ee Maanta doorashadoodu dhaceyso ee sida wayn indhaha loogu wada haayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay 011 iyo 063, waxaana ku kala fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Cabdirisaaq Cumar Maxamad oo mar soo noqday wasiirka Amniga iyo Cabdullaahi Goodax Barre oo asna soo noqday wasiirka Waxbarashada, kuwaas oo maanta wajahaya loolankii ugu adkaa.
Kursiga HOP 063 oo Maanta doorashadiisa dhaceyso ayaa ah kursiga ugu tartanka adag, islamarkaana ay isku diiwaan galiyeen tiradii ugu badnayd ee Musharraxiin ah guud ahaan doorashada Golaha Shacabka, kuwaas oo gaaraya ilaa 9 Musharax oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Goodax, Xoghayaha maamulka G/ Banaadir Xiireey, Xildhibaan hore Ibraahim Xabeeb, Duqa magaalada Beledweyne Nadar Tabaax, iyo musharrixiin kale oo saameyn leh.
Diiwaangelinta halkan kursi ee HOP 063 waxaa ku baxday aduun lacageed oo gaaraya 85,000 oo doolar, iyadoo sidoo kalana la sii sheegayo in Musharraxiinta lacago kale oo aad u badan ku bixinayaan sidii ay u dooran lahayeen ergada u codeyneysa, wuxuuna sidaa ku noqonaya kursigan kii ugu lacagta badnaa doorashadiisa inta la ogyahay guud ahaan doorashada kuraasta Golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Kursiga labaad ee HOP 011, waxaa ku tartami doona isku diiwaangeliyay laba Musharrax oo kala ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamad oo kursigan ku fadhiya iyo Maxamed Cumar Barrow (Maxamed Tuure).
Maamulka Hirshabeelle ayaa wali waxaa ku harsan doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu kala tahay Beledweyne iyo Jowhar, xilli wakhtigii loogu talo galay in lagu soo gabagabeeyo doorashada ahayd 15-kii bishan.
Home Wararka Soomaaliya Doorashadii ugu tartanka adkayd kuraasta golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa magaalada...




