Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay Khan Younis

0
302

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 10 qof ka dib weerar ay xalay Israa’iil ka gaysatay magaalada Khan Younis ee dalka Falastiin.
Dhowr ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay duqeynta lala eegtay guri ku yaalla aagga Abasan al-Kabira ee Bariga Khan Younis.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA.