Maxkamadda oo go’aan ka soo saari doonto dacwad loo haysto saraakiishii hore ee NLC

0
236

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in ay go’aan ka soo saarto dacwad la xiriirta musuqmaasuq taasi oo ka dhan ah guddoomiyihii hore ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee (NLC) Maxamad Swazuri iyo 13 eedeysanayaal oo kale.
Swazuri iyo 6 sarkaal oo kale ayaa la xiray bishii Afaraad ee sanadkii 2018-kii.
Dambi baarayaasha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa shakhsiyaadkan ku eedeeyay lunsashada 221.4 milyan oo shilin oo loogu talagalay in magdhow ahaan loo siiyo dadkii degganaa dhulka marinka casriga ee tareennada ee (SGR) .
Waxaa lagu soo oogay dacwado sida in ay wada maleegeen hagardaamo musuqmaasuq, ku tagriifalka awoodooda xafiiseed iyo in ay si sharci darro ah ku qaateen hanti dadweyne.
Hasa ahaate waxay iska fogeeyeen eedeymihii loo jeediyay taasi oo keentay in damaanad lagu siidaayo.
Marka laga soo tago Swazuri, eedeysanayaasha kale ee dacwadahan wajahaya ayaa kala ah Tom Aziz Chavangi ( madaxii fulinta ee NLC), Salome Munubi ( Agaasimaha NLC ee dhanka qiimeynta iyo canshuurta), Francis Karimi Mugo ( Agaasimaha maaliyadda iyo maamulka), Gladys Mwikali Muyanga ( Diiwaangeliyaha dhulalka) iyo Obadiah Mbugua Wainaina (Sarkaalka baaritaannada qiimeynta ah ku sameeya dhulalka).