Adeeg caafimaad oo ay bixintiisa iska kaashadeen shirkadaha M-pesa Foundation, Zuri Health iyo isbitaalka Lion SightFirst Eye Hospital ayaa waxaa ka faa’iiday 3,000 oo ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Bomet.
Daryeelkan caafimaad oo bilaash ahaa ayaa laga fidiyay dugsiga hoose dhexe ee Kamureito .
Sidoo kale shirkadda tabarucaadda ee M-pesa Foundation ayaa isbitaalka wayn ee Longisa ku wareejisay agab ah 100 oo loogu talagalay hooyooyinka iyo xanaaneynta dhallaanka.
Adeegyada ay dadweynaha ka faa’iideen waxaa ka mid ah baaritaannada indhaha , noocyada kansarka ee saameeya ilma galeenka iyo naasaha, isku furanka, macaanka, dhiig-karka, xanuunnada carruurta iyo daryeelka waayeellada.




