Askari Israa’iili ah oo la dilay, sagaal kalena lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan

0
49

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankooda lagu dilay halka sagaal kalena lagu dhaawacay dagaallo ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan.
Ciidanka ayaa sheegay in mid ka mid ah sagaalka dhaawaca ah xaaladdiisa ay tahay mid aad u daran, halka afar kale ay ku jiraan xaalad dhexdhexaad ah. Afarta haray ayaa qaba dhaawacyo fudud.
Sida ay sheegtay warbaahinta AFP, ugu yaraan 15 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay Lubnaan muddo lix toddobaad gudahood.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in khasaaraha uu ka dhashay dagaallo sii socda oo ka dhan ah kooxo ay ku tilmaameen kuwa hubeysan oo ka howlgala koonfurta Lubnaan.