TSC oo shaacisay inay mushaar siin doonto ardayda bartay macallinnimada ee dugsiyada dhigaya

0
251

Guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC) ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqaaleysiinaya 20,000 oo ah ardayda soo bartay culuunta macallinimada ee hadda maraya tijaabada shaqo.
18,000 oo tiradan ka mid ah waxay ka howlgeli doonaan fasallada dugsiyada loo yaqaano JSS halka 2,000 ay wax bari doonaan ardayda dugsiyada hoose dhexe ee dowladda.
TSC ayaa wareegto ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkan uu shaqeyn doono muddo hal sano ah waxaana looga gol-leeyahay taageeridda manhajka waxbarashada ee CBC.
Guddiga ayaa intaasi ku daray in ardayda ku guda jiro khibrad kororsiga shaqo ee loo yaqaano Internship ee dhigaya dugsiyada hoose dhexe bil waliba la siin doono 15,000 oo shilin halka kuwa dugsiyada JSS ay bishiiba qaadan doonaan 20,000 oo shilin.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, Nancy Macharia ayaa shakhsiyaadka fursadahan daneynaya ugu baaqday inay codsadaan ka hor 18-ka bishan.