Xildhibaanka bariga Kitui oo maxkamad la soo taagay

0
314

Waxaa maxkamadda ismaamulka Kajiado la soo taagay mudanaha deegaan baarlamaneedka bariga Kitui ,Nimrod Mbai.
Taliyaha saldhigga booliiska ee deegaanka Kitengela ,David Shani ayaa xaqiijiyay in Mbai uu xarunta iska xaadiriyay abaare 11.49 barqannimo ee maanta oo isla markiiba loo sii qaaday maxkamadda Kajiado.
Waxaa laga doonaya inuu ka jawaabo dacwad ku aaddan inuu xadgudub u gaystay Julius Onkangi oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda korontada dalka ee KPLC.
Mudanaha ayaa laga dhex arkay muuqaal isagoo dharbaaxaya Onkangi ka dib markii sida la sheegay uu mas’uulka KPLC meesha ka saaray khadka korontada oo si aan sharci ahayn loogu xiriiriyay guriga mudanaha ee Kitengela.
Xildhibaanka ayaa ka hor inta uunan gacan qaadin la maqlaya isagoo aflagaado u gaysanaya saraakiisha shirkadda korontada ee Kenya Power ka hor inta uusan dharbaaxin mid ka mid ah.
Mudanaha oo careysan ayaa sidoo kale isku dayay inuu la soo baxo qorigiisa.