ICJ-Kenya oo soo dhaweysay go’aankii lagu buriyay magacaabidda CAS

0
278

Guddiga caalamiga ee garsoorayaasha ee (ICJ ) laantiisa Kenya ayaa soo dhaweeyay go’aankii Isniintii ay maxkamadda sare ee dalka waxba kama jiraan uga soo qaaday tallaabadii uu madaxweynaha wadanka William Ruto uu 22-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ku soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha oo gaaraya 50.
Guddoomiyaha ICJ -Kenya ,Protas Saende ayaa sheegay in go’aanka saddexda garsoorayaal uu xoojinaya u hoggaansanka xeerarka dastuuriga ah.
Waxaa uu dhanka kale guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ugu baaqay inuu xalliyo dhaliisha loo jeediyay ee ahayd inuu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Waxaa magacaabidda 50-ka mas’uul sharci darro ku tilmaamay xaakinnada kala ah Kanyi Kimondo, Hedwig Ong’udi iyo Aleem Visram.