Tirada dhimashada Iiraan iyo Lubnaan oo kor u dhaaftay 800 qof

0
1021

Dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee lagu weerarayo Iiraan iyo Lubnaan ayaa sii socda, iyadoo la sheegay weerar lagu qaaday hoteel ku dhow Bayrut iyo dhismaha Guddiga Khubarada ee magaalada Qom ee Iiraan, halka tirada dhimashada labada dal ay ka badan tahay 800.
Xukuumadda Tehran ayaa sii wada weerarrada aargoosiga ah ee ay ku qaadeyso Israa’iil iyo goobaha Maraykanka ee Bariga Dhexe habeenkii afaraad, iyadoo la soo sheegay in la beegsaday qunsuliyadda Maraykanka ee Dubai iyo deked ku taalla magaalada Fujairah ee Imaaraatka Carabta.
Dhanka kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanka uu diyaar u yahay in uu maraakiibta dagaalka u isticmaalo ilaalinta maraakiibta shidaalka ee marinka muhiimka ah ee Hormuz, ka dib markii Iiraan ay ku dhawaaqday in marin biyoodkan muhiimka ah la xiray arrintan oo horay u saameysay gobolka, iyadoo Ciraaq ay joojisay ama hoos u dhigtay wax soo saarka saliida ee beeraha Rumaila iyo Galbeedka Qurna 2.